[1] Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
[2] Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
[3] Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
[4] Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
[5] Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
[6] Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay, Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun, Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
[7] Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
[8] Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
[9] Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
[10] Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
[11] Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.