Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 0:50

[1] Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.

[2] Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.

[3] Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, Ceebtooda dib ha ula noqdeen.

[4] Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, Ilaah ha la weyneeyo.

[5] Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.

Sabuurradii — Chapters