[1] Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
[2] Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
[3] Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,
[4] Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,
[5] Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
[6] Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
[7] Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
[8] Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
[9] Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
[10] Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
[11] Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
[12] Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
[13] Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
[14] Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
[15] Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
[16] Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
[17] Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
[18] Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.