Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 1:57

[1] Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

[2] Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.

[3] Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

[4] Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.

[5] Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.

[6] Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.

[7] Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.

[8] Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)

[9] Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.

[10] Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.

[11] Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

[12] Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.

[13] Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.

[14] Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

Sabuurradii — Chapters