Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 1:02

[1] Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.

[2] Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

[3] Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen, Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.

[4] Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah, Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn, Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.

[5] Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

Sabuurradii — Chapters