[1] Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.
[2] Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
[3] Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
[4] Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
[5] Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
[6] Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
[7] Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
[8] Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
[9] Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
[10] Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
[11] Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
[12] Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,
[13] Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
[14] Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.