Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 0:59

[1] Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,

[2] Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,

[3] Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,

[4] Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

[5] Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

[6] Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.

[7] Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.

[8] Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.

Sabuurradii — Chapters