Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 1:03

[1] Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

[2] Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

[3] Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?

[4] Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.

[5] Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.

[6] Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.

[7] Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.

[8] Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.

Sabuurradii — Chapters