Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 1:50

[1] Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.

[2] Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay, Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.

[3] Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag, Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.

[4] Calan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)

[5] Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.

[6] Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.

[7] Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.

[8] Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.

[9] Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?

[10] Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

[11] Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.

[12] Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

Sabuurradii — Chapters