[1] Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
[2] Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
[3] Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun.
[4] Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
[5] Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
[6] Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
[7] Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
[8] Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
[9] Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
[10] Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
[11] Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
[12] Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
[13] Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
[14] Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
[15] Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
[16] Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.