Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.

[2] Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)

[3] Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.

[4] Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.

[5] Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

[6] Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?

[7] Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

[8] Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.

[9] Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.

[10] Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.

[11] Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.

[12] Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.

[13] Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.

Sabuurradii — Chapters