[1] Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
[2] Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
[3] Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
[4] Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
[5] Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
[6] Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
[7] Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
[8] Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
[9] Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.