[1] Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
[2] Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
[3] Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,
[4] Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
[5] Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
[6] Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
[7] Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
[8] Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
[9] Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.