Skip to content
Opens in a new window

[1] Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

[2] Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

[3] Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay, Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii, Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.

[4] Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.

[5] Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.

Sabuurradii — Chapters