[1] Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
[2] Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
[3] Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada, Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
[4] Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
[5] Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
[6] Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
[7] Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
[8] Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo, Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
[9] Markuu Ilaah xukunka u sara kacay Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
[10] Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa, Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
[11] Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
[12] Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.