Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.

[2] Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.

[3] Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.

[4] Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.

[5] Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.

[6] Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

[7] Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

[8] Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.

[9] Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,

[10] Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.

[11] Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

[12] Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

Sabuurradii — Chapters