[1] Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.
[2] Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
[3] Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.
[4] Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.
[5] Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
[6] Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)
[7] Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
[8] Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
[9] Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
[10] I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
[11] Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.
[12] Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir, Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i, Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.