[1] Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
[2] Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
[3] Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
[4] Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay, Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
[5] Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay, Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
[6] Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
[7] Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
[8] Isagaa laayay curadyadii Masar, Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
[9] Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab, Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
[10] Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
[11] Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
[12] Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey, Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
[13] Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa, Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
[14] Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa, Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
[15] Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
[16] Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
[17] Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.
[18] Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
[19] Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana, Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
[20] Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana, Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
[21] Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.