[1] Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
[2] Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
[3] Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
[4] Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
[5] Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
[6] Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
[7] Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
[8] (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,)
[9] Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
[10] Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
[11] Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
[12] Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
[13] Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah, Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga. (Selaah)
[14] Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado, Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho, Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona, Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba.
[15] Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah)
[16] Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho,
[17] Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.
[18] In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,
[19] Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.
[20] Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.