Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.

[2] Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.

[3] Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.

[4] In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.

[5] Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.

[6] Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

Sabuurradii — Chapters