[1] Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
[2] Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
[3] Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.
[4] Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
[5] Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
[6] Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
[7] Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
[8] Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.