Skip to content
Opens in a new window

[1] Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.

[2] Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.

[3] Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.

[4] Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.

[5] Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.

[6] Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

Sabuurradii — Chapters