[1] Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
[2] Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.
[3] Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
[4] Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
[5] Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
[6] Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
[7] Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
[8] Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
[9] Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
[10] Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
[11] Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
[12] Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
[13] Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.