[1] Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
[2] Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?
[3] War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?
[4] Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacan geliyey xadgudubkoodii.
[5] Haddaad aad u barido Ilaaha, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,
[6] Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
[7] Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
[8] Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weydii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,
[9] (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
[10] War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
[11] War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyo la'aantood?
[12] Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
[13] Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.
[14] Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa, Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.
[15] Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.
[16] Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
[17] Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.
[18] Isaga haddii meeshiisa laga baabi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.
[19] Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleeto.
[20] Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman, Kuwa sharka falase tiirin maayo.
[21] Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh,
[22] Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.