[1] Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
[2] Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
[3] Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa, Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
[4] Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha; Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
[5] Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado, Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
[6] Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
[7] Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
[8] Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto.
[9] Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda, Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
[10] Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
[11] Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
[12] Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabi'i doonaan, Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
[13] Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho, Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
[14] Dhallinyaranimay ku dhintaan, Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
[15] Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samato bixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
[16] Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
[17] Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
[18] Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
[19] Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
[20] Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baaba'aan.
[21] Iska jir oo xumaan ha u jeedin, Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
[22] Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
[23] Jidkiisa yaa u amray? Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?
[24] Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.
[25] Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
[26] Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
[27] Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,
[28] Oo daruuraha ka soo da a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
[29] Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda. Iyo onkodyada taambuuggiisa?
[30] Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.
[31] Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.
[32] Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa. Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.
[33] Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.