Skip to content
Opens in a new window

[1] Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

[2] Ma nin baa Ilaah wax u tari kara? Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.

[3] Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa? Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?

[4] War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?

[5] Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.

[6] Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.

[7] Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.

[8] Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

[9] Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.

[10] Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,

[11] Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.

[12] War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!

[13] Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?

[14] Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax arag, Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.

[15] War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?

[16] Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabi'iyey.

[17] Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?

[18] Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan; Talada sharrowguse way iga fog tahay.

[19] Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan, Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,

[20] Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.

[21] Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow, Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.

[22] Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli.

[23] Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid, Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.

[24] Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,

[25] Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.

[26] Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa, Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.

[27] Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa, Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.

[28] Adiguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa; Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan.

[29] Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.

[30] Oo wuxuu samato bixin doonaa kii aan xaq qabin; Hubaal isaga waxaa lagu samato bixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.

Ayuub — Chapters