[1] Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenka ah, oo wuxuu ku yidhi,
[2] Waa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn?
[3] Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weydiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
[4] Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
[5] Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
[6] Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
[7] Markay xiddigaha arooryo isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
[8] Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay
[9] Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
[10] Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
[11] Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
[12] Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
[13] Si UU U qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?
[14] Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
[15] Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
[16] Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?
[17] Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
[18] Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
[19] Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
[20] Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
[21] Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
[22] Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
[23] Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
[24] Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
[25] Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,
[26] Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,
[27] Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
[28] Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
[29] Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
[30] Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
[31] Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
[32] Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masaroot la yidhaahdo xilligooda soo saarto? Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
[33] Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
[34] Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
[35] Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
[36] Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?
[37] Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
[38] Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?
[39] Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
[40] Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
[41] Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?