Skip to content
Opens in a new window

[1] Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.

[2] Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.

[3] Dadku gudcurkuu dhammeeyaa, Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada.

[4] Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.

[5] Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.

[6] Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.

[7] Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,

[8] Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.

[9] Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.

[10] Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.

[11] Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.

[12] Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?

[13] Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.

[14] Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.

[15] Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.

[16] Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.

[17] Dahab iyo madaarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.

[18] Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madaarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.

[19] Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.

[20] Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?

[21] Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.

[22] Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.

[23] Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.

[24] Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,

[25] Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.

[26] Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,

[27] Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.

[28] Oo WUXUU dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka-cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxarasho.

Ayuub — Chapters