Skip to content
Opens in a new window

[1] Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

[2] Xataa maantadan guryankayga cabashada ahu waa qadhaadh yahay, Oo gacanta i saaranuna waa ka sii daran tahay cabashadayda.

[3] Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!

[4] Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.

[5] Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.

[6] Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.

[7] Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samato bixi lahaa weligayba.

[8] Bal eega, hore baan u socdaa, laakiinse isagu halkaas ma joogo, Oo dib baan u socdaa, laakiinse ma aan heli karo.

[9] Oo waxaan tagaa xagga bidix markuu shaqaynayo, laakiinse uma aan jeedi karo; Oo wuxuu ku dhuuntaa xagga midig laakiinse kama arki karo.

[10] Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro, Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.

[11] Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa, Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.

[12] Dib ugama noqon amarkii bushimihiisa, Oo erayadii afkiisana waxaan u hayay wax ka qiimo badan cuntada aanan ka maarmin.

[13] Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.

[14] Waayo, wuxuu oofiyaa wixii la ii amray, Oo waxyaalo badan oo saasoo kale ah ayuu maankiisa ku hayaa.

[15] Sidaas daraaddeed ayaan hortiisa uga naxaa, Oo markaan ka fikiraba waan ka baqaa isaga.

[16] Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey, Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,

[17] Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.

Ayuub — Chapters