[1] Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,
[2] Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa, Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
[3] Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.
[4] Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira, Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa, Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
[5] Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
[6] Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa? Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?
[7] Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.
[8] Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
[9] Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabi'iyo!
[10] Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Qoduuska ah erayadiisii.
[11] Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
[12] War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa?
[13] War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?
[14] Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ah e.
[15] Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale, Sida biyaha durdurrada ee iska baaba'a,
[16] Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo.
[17] Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baaba'aan.
[18] Kuwa safraa gees bay uga leexdaan, Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.
[19] Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray, Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.
[20] Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen, Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.
[21] Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.
[22] Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?
[23] Amase, Cadowga gacantiisa iga samato bixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?
[24] Bal wax i bar, oo anna waan iska aammusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
[25] Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay cadaysaa?
[26] Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
[27] Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
[28] Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.
[29] Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.
[30] War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran? Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?