[1] Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
[2] Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
[3] Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
[4] Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
[5] Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
[6] She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh.
[7] Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
[8] Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
[9] Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
[10] Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.
[11] Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
[12] Badda ayuu xooggiisa ku aammusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
[13] Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.
[14] Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?