[1] Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan qoduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela.
[2] Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin.
[3] Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan .
[4] Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.
[5] Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin imandoonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa.
[6] Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabixisaan meel alla meeshaan tegi doono.
[7] Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo.
[8] laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste.
[9] Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.
[10] Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale.
[11] Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco.
[12] Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.
[13] Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba.
[14] Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.
[15] Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanaasjooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay qoduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa
[16] inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.
[17] Waxaan ku faraxsanahayimaatinka Istefanaas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray.
[18] Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.
[19] Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.
[20] Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho qoduus ah.
[21] Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda kuqorayaa.
[22] Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.
[23] Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.
[24] Dhammaantiin jacaylkayga ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.