Skip to content
Opens in a new window

[1] Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli qoduusiinta Akhaya oo dhan jooga.

[2] Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaadalaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

[3] Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna CiiseMasiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oodhan,

[4] kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwadhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.

[5] Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badanyahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogubadan yahay.

[6] Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna, aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.

[7] Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.

[8] Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.

[9] laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannaan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.

[10] Isagaa naga samato bixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samato bixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samato bixin doono;

[11] idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahad naqaan aawadayo.

[12] Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay qoduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

[13] Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dhammaadka.

[14] Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.

[15] Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;

[16] iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabixisaan.

[17] Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayganoqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?

[18] laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.

[19] Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.

[20] Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballammadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aammintaa, in xaggeenna Ilaah laga ammaano.

[21] laakiin kan ina wada xoogeeya xagga Masiixa oo ina subkay waa Ilaah,

[22] kan haddana ina shaabadeeyey oo carbuunta Ruuxa inagusiiyey qalbigeenna.

[23] laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.

[24] Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.

2 Korintos — Chapters