[1] Miyaanan xor ahayn? Miyaanan rasuul ahayn? Miyaanan arkin Rabbigeenna Ciise? Miyeydnaan ahayn shuqulkayga xagga Rabbiga?
[2] Xataa haddaanan kuwa kale rasuul u ahayn. idinka waa idiin ahay. waayo, waxaad tihiin shaabadda rasuulnimodayda xagga Rabbiga.
[3] Daafacaaddayda aan kuwa i imtixaama iskaga daafaco waa tan.
[4] Miyaannaan annagu jid u lahayn inaannu wax cunno oo wax cabno?
[5] Miyaannaan jid u lahayn inaannu haweenay walaal ah kaxaysanno sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ay sameeyaan?
[6] Mise aniga iyo Barnabas oo keliyaan jid u lahayn inaannaan shaqayn?
[7] Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin?
[8] Waxyaalahaas ma sida dad baan u leeyahay? oo sharcigu miyuusan waxyaalahaas oo kale lahayn?
[9] Waayo. waxaa ku qoran sharciga Muuse, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Ma Ilaah baa dibiyada oo keliya dhawra,
[10] mise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo.
[11] Haddaannu idinku beernay waxyaa laha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka. idinka urursaano?
[12] Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannaan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannaan sina u joojin injiilka Masiix.
[13] Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha qoduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin?
[14] Sidaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaam
[15] laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin.
[16] Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin.
[17] Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn. weli wakiil nimo baa laygu aaminay.
[18] Haddaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iib la aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka.
[19] Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo.
[20] Yuhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo.
[21] Xagga kuwa aan sharciga lahayn. sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn.
[22] Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaal daran. si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo.
[23] Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis. si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.Dadaalka loo baahan yahay si loo lib helo
[24] Miyaanad ogayn in kuwa tartan ku ordaa ay wada ordaan laakiin mid uun baa dheefta hela? Sidaas u orda inaad heshaan.
[25] Kii cayaarta aad ugu dadaalaa, wax w alba ayuu iska dhawraa. Kuwaasu haddaba waxay sidaas u yeelaan inay taaj dham maanaya helaan, innaguse waxaynu helaynaa mid aan dham maanaynin.
[26] Haddaba anigu uma ordo qasdi la'aan, uma feedhtamo sida mid dabaysha ku dhufanaya.
[27] laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.