[1] Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn qoduusiinta hortooda?
[2] Mise waydnaan garanaynin in qoduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan?
[3] Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa?
[4] Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan?
[5] Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis,
[6] laakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda?
[7] Haddaba waa idiin wada daran tahay h midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan. ha laydin dulmee?
[8] laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan. oo xataa walaalihiin.
[9] Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha. ama kuwa sanamka caabuda. ama kuwa sinaysta, ama khaniisiinta.
[10] ama tu-lgagga, ama kuwa wax badan damca. ama kuwa sakhraama. ama kuwa wax caaya. ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah.
[11] Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay. qoduus baa laydinka dhigay. xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
[12] Wax waliba waa ii xalaal. Laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.
[13] Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabi in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga. Rabbiguna jidhkuu xanaaneeyaa.
[14] Ilaah waa sara kiciyey Rabbiga, innagana xooggiisa ayuu inagu sara kicin doonaa.
[15] Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.
[16] Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay. waayo. Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.
[17] laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux.
[18] Ka carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa.
[19] Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Qoduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? oo idinku isma lihidin,
[20] waayo. qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.