[1] Xagga waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inaynu dhammaan aqoon u wada leennahay. Aqoontu way kibrisaa. jacaylkuse wax buu dhisaa.
[2] Qof uuni hadduu u malaynayo inuu wax garanayo. weli garan maayo siduu u garan lahaa.
[3] laakiin qof uuni hadduu Ilaah jecel yahay. Ilaah baa garanaya isaga.
[4] Haddaba xagga cunidda waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo. waxaynu garanaynaa inuusan sanam waxba dunida ka ahayn oo aan Ilaah jirin mid mooyaane.
[5] Waayo. in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan,
[6] laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah. kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh; iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.
[7] laakiin dad oo dhammu aqoontaas ma wada laha. Laakiin qaar sanamka tan iyo hadda u bartay, waxay u qabaan waxay cunaan sidii wax sanam loo sadqeeyo, qalbigooda itaalka daranina wuu nijaasoobay.
[8] Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynaan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.
[9] laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran.
[10] Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daran yahay. qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo?
[11] Waayo, waxaa aqoontaada aawadeed lumaya ka itaalka daran oo ah walaalkaagii uu Masiixu aawadiis u dhintay.
[12] Markaad walaalaha sidaas ugu dembaabtaan oo aad qalbigooda itaalka daran u xumaysaan, waxaad ku dembaabtaan Masiix.
[13] Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.