Skip to content
Opens in a new window

[1] Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale.

[2] Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax-sii-sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoollla oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuralla ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.

[3] Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba li tari maayo.

[4] Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro,

[5] wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro,

[6] xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta.

[7] Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.

[8] Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday waxsheegidi jirto way baabi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabi'i doontaa.

[9] Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa.

[10] laakiin markii waxa dhammi ay yimaadaan, waxa qabyada ahi way idlaan doonaan.

[11] Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey.

[12] Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay.

[13] Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.

1 Korintos — Chapters