Skip to content
Opens in a new window

[1] Walaalayaalow, waxaan idin ogeysiinayaa injiilka aan idinku wacdiyey, oo aad idinkuna aqbasheen, oo aad ku taagan tihiin,

[2] oo aadna ku badbaaddeen, haddaad xajisaan hadalkii aan idinku wacdiyey, haddaydnaan micne la aan u rumaysan.

[3] Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa ù eeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay,

[4] waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay.

[5] Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii.

[6] Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah. kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay.

[7] Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan.

[8] Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday.

[9] Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilhl in loogu yeedho rasuul. waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray.

[10] laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaatl ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhamnlaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay.

[11] Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.

[12] Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?

[13] Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.

[14] Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare.

[15] Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin.

[16] Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin? Masiixana lama sara kicin.

[17] Oo haddii aan Masiixa la sara kicin? rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan

[18] Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen.

[19] Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn? waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.

[20] laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey? isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.

[21] Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid.

[22] Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa,

[23] laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaathlkiisa.

[24] Markaasaa dhammaadku iman doonaa. markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba daba deed.

[25] Waayo. waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo.

[26] Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho.

[27] Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo? Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.

[28] Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.

[29] Haddii kale maxay samayn doonaan kuwa loo baabtiisaykuwii dhintay? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicinba, maxaahaddana loogu baabtiisaa iyaga?

[30] Maxaynu saacad walbahaalis ugu jirnaa?

[31] Faanka aan idiin qabo xagga RabbigeennaCiise Masiix ayaan ku caddaynayaa, walaalayaalow, inaanmaalin walba dhinto.

[32] Haddii aan sida dadka dugaag ugu ladagaallamay Efesos, maxay ii taraysaa? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonnaa e.

[33] Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan .

[34] Si qumman u toosa oo hana dembaabina, waayo, qaar baan Ilaahba aqoonin. Waxaan taas u leeyahay inaan idinka xishoodsiiyo.

[35] laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan ?

[36] Doqon yahow, waxaad adigu beertid ma noolaado haddaanu dhiman.

[37] Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah.

[38] laakiin Ilaah wuxuu iyada siiyaa jidh siduu u doonayay, iniin kastana jidhkeeda.

[39] Hilib oo dhammu isku hilib ma aha, laakiin waxaa jira hilibka dadka iyo hilibka kaloo dugaagga, iyo hilibka kaloo shimbirraha, iyo hilibka kaloo kalluunka .

[40] Oo waxaa jira jidhadhka samada iyo jidhadhka dhulka, laakiin ammaanta kuwa samadu waa mid, oo tan kuwa dhulkuna waa mid kale.

[41] Waxaa jirta ammaanta qorraxda iyo ammaanta kaloo dayaxa iyo ammaanta kaloo xiddigaha, waayo, xiddiguba xiddigta kale way ka ammaan duwan tahay.

[42] Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa la beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan.

[43] Waxaa lagu beeraa maamuusla'aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beeraa itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaan xoog.

[44] Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa.

[45] Haddaba waxaa qoran, Aadan oo ahaa ninkii ugu horreeyey wuxuu noqday naf nool, Aadankii ugu dambeeyeyse wuxuu noqday ruux wax nooleeya.

[46] Hase ahaatee, kan ruuxa lihi ma aha kii ugu horreeyey laakiin kan nafta leh, markaasna kan ruuxa leh.

[47] Ninkii ugu horreeyeywaa kan dhulka oo cammuud ah, ninkii labaadna waa kanjannada.

[48] Sida kan cammuudda ah kuwa cammuud ahina waa sidaas oo kale, oo sida kan jannada, kuwa jannaduna waa sidaas oo kale .

[49] Oo sidaynu ugu eg nahay kan cammuudda ah, sidaas oo kale ayaynu ugu ekaan doonnaa kan jannada.

[50] Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta.

[51] Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa,

[52] dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa.

[53] Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aan.

[54] Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, Dhimashadii waxaa liqday libtii.

[55] Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday micidaadii?

[56] Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga.

[57] laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix.

[58] Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jecelahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.

1 Korintos — Chapters