[1] Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix.
[2] Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo. weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan.
[3] Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?
[4] Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn?
[5] Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.
[6] Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.
[7] Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa. laakiin waa Ilaah kan koriyaa.
[8] Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.
[9] Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
[10] Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.
[11] Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.
[12] laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab. ama lacag. ama dhagaxyo qaali ah. ama qoryo. ama caws. ama bal,
[13] nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo. maalintu way caddayn doontaa. maxaa yeelay. dab baa lagu muujiyaa. waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.
[14] Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho. abaal buu heli doonaa.
[15] Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa. isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.
[16] Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?
[17] Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo. isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa qoduus. kaad idinku tihiin.
[18] Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho.
[19] Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa.
[20] oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.
[21] Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax alba idinkaa leh,
[22] ha ahaadeen arna Bawlos, ama Abolloos. ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.
[23] Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.