[1] Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi.
[2] Dadka badan ayaan u naxariisanayaa. waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen. oo waxay cunaanna ma haystaan.
[3] Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.
[4] Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay. oo waxay ku yidhaah deen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?
[5] Goortaasuu weydiiyey, Immisa kibsood baad haysaan ? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.
[6] Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka ladhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahad naqay ayuu kala jejebi yey oo xcrtiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen.
[7] Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakadeeyey. wuxuu ku amray inay kuwaasna hor tooda dhigaan.
[8] Markaasay cuneen oo dhergeen: kolkaasay soo ururiyeen toddoba dembiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.
[9] Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.
[10] Kolkiiba xertiisii ayuu doonni la fuulay, oo wuxuu yimid dhinacyada Dalmanuuta.
[11] Markaasaa Farrisiintu u soo baxday, oo waxay bilaabeen inay wax weydiiyaan, oo waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso, si ay u jirrabaan.
[12] Intuu ruuxiisa ka taahay ayuu yidhi, Qarnigan muxuu calaamo u doondoonayaa? Runtii waxaan idinku leeyahay. Qarnigan calaamo lama siin doono.
[13] Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.
[14] Xertii waxay illoobeen inay kibis soo (laataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahaane.
[15] Markaasuu wuxuu ku amray. oo ku yidhi, Iska cega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo khamiirka Herodos.
[16] Markaasay isla wada hadleen. oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii annaan haysan aawadeed.
[17] Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isu la hadlaysaan? Ma kibistii aydnaan haysan aawadeed ba'? Miyaydnaan weli arkin oo aydnaan garanaynin? Qalbigiinnu weli ma engegan yahay?
[18] Indho baad leedihiin. miyaydnaan waxba arkaynin? Dhegona baad leedihiin, miyaydnaan waxba maqlaynin oo aydnaan xusuusnayn?
[19] Goortii aan shantii kibsood shantii kun u kala jejebiyey. immisa dembiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen ? Waxay ku yidhaahdeen. Laba iyo toban.
[20] Oo goortii aan toddobadii kibsood afartii kun u kala jejebiyey. immisa dembiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.
[21] Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?
[22] Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indhala' oo ay ka baryeen inuu taabto.
[23] Markaasuu ninkii indhahala'aa gacanta qabtay. oo tuulada dibadda uga saaray. oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weydiiyey, Wax ma arkaysaa'?
[24] Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman. oo waxay ii le eg yihiin sida geedo socda.
[25] Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay wuuna bogsaday. oo wax walba bayaan buu u arkay.
[26] Kolkaasuu gurigiisii u diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada ha galin.
[27] Markaasaa Ciise iyo xertiisii waxay tageen oo galeen tuulooyinka Kaysariya Filibos. Xertiisii ayuu jidka ku weydiiyey, oo wuxuu ku yidhi. Dadku yay igu sheegaan ?
[28] Waxay yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha. qaarna. Eliyaas, qaar kalena. Nebiyada midkood.
[29] Markaasuu weydiiyey. oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.
[30] Markaasuu ku amray inayan ninna isaga u sheegin.
[31] Kolkaasuu bilaabay inuu baro inay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimadu diidaan, oo la dilo, oo saddex maalmood dabadeed uu soo sara kaco.
[32] Hadalkaas bayaan buu ugu hadlay. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto.
[33] laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
[34] Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha is-inkiro, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
[35] Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.
[36] Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo?
[37] Nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?
[38] Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha qoduuska ah.