Skip to content
Opens in a new window

[1] Goortuu macbudka ka baxay. xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow. dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin!

[2] Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

[3] Oo intuu Buur saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan. Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weydiiyeen, oo ku yidhaahdeen,

[4] Noo sheeg, Goormay wax yaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan?

[5] Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo. Iska eega yaan laydin khiyaanayn.

[6] Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

[7] Goorlaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqal-ina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.

[8] Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqoltooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.

[9] laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doo-naa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.

[10] Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan.

[11] Oo goortii laydin wado oo laydin gacan geliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doonlaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Qoduuska ah.

[12] Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan.

[13] Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.

[14] laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.

[15] Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.

[16] Kiibeer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

[17] laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

[18] Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga.

[19] Waayo, maalmahaas waxay ahaan doonaan dhib sida mid aan jirin tan iyo bilowgii abuurniinta oo Ilaah abuuray, mana jiri doonto weligeed.

[20] Oo haddaan Rabbigu wakhtigaas gaabin, ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwuu doortay aawadood ayuu wakhtigaas u gaabshay.

[21] Markaas haddii nin idinku yidhaahdo, Waa kan Masiixii, ama, Waa kaas, ha rumaysanina.

[22] Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.

[23] laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.

[24] laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,

[25] xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.

[26] Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan.

[27] Markaasuu wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa, oo kuwuu doortay ayuu ka soo ururin doonaa afarta jaahood ee meesha dhulka ugu fog ilaa meesha cirka ugu fog.

[28] Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay.

[29] Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

[30] Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

[31] Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.

[32] laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee.

[33] Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.

[34] Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.

[35] Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba,

[36] waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

[37] Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

Markos — Chapters