[1] Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.
[2] Goortii Sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?
[3] Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaali hiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen.
[4] laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa, iyo dadkiisa, iyo gurigiisa dhexdooda maahee.
[5] Meeshaas shuqul xoog leh kuma samayn karin inuu dhawr buka gacmihiisii saaro oo bogsiiyo mooyaane.
[6] Wuuna ka yaabay rumaysad la'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.
[7] Kolkaasuu laba-iyo-tobankii u yeedhay, wuxuuna bilaabay inuu laba laba u diro. Wuuna siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan.
[8] Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaada nina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina.
[9] Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina.
[10] Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.
[11] Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
[12] Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii ha toobad keeneen e.
[13] Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen. wayna bogsiiyeen.
[14] Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magi ciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa daneeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.
[15] laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Waa Eliyaas; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Waa nebi, nebiyada kale la mid ah.
[16] laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.
[17] Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday,
[18] Oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid.
[19] Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin,
[20] waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo qoduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, tarxadna wuu ku maqlay.
[21] Goortii maalin wanaagsan timid. markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili.
[22] Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weydiiso, waanan ku siinayaa.
[23] Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weydiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed.
[24] Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weydiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.
[25] Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weydiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso.
[26] Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido.
[27] Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay.
[28] Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed.
[29] Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.
[30] Rasuulladii ayaa Ciise u soo ururay. oo waxay u sheegeen wixii ay sameeyeen oo dhan iyo wixii ay bareenba.
[31] Mar kaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, wuxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way bad naayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.
[32] Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla ah tageen.
[33] Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen. oo magaalooyinka oo dhan ayay ka so ordeen, wayna ka dheereeyeen.
[34] Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay wuuna u naxariistay. maxaa yeelay. waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn w uxuuna bilaahay inuu wax badan haro.
[35] Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo. haddana maalintii horay u badatay.
[36] Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.
[37] Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?
[38] Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.
[39] Kolkaasuu ku amray inay cawska kooxkoox ugu fa dhiisiiyaan.
[40] Waxay u fadhiisteen safaf boqol boqol iyo konton konton ah.
[41] Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakadeeyey kibistiina ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan, labadii kalluunna wuu u qaybiyey gidiyood
[42] Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen.
[43] Oo waxay soo gureen laba iyo toban dembiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka.
[44] Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.
[45] Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale oo Beytsayda intuu dadkii badnaa dirayo.
[46] Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado.
[47] Goortii makhribkii la gaadhay. doonnidii waxay joog tay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay.
[48] wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya. waayo dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa.
[49] laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda. Waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen.
[50] Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.
[51] Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen.
[52] Waayo, iyaga kibistii waxba kama ay garanin, maxaa yeelay, qalbigoodu waa engegnaa.
[53] Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesaret, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen.
[54] Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga.
[55] Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo.
[56] Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.