[1] Waxay yimaadeen dhanka kale oo badda ilaa dalkii Gadareni.
[2] Goortuu doonnidii ka degay, kolkiiba waxaa la kulmay nin xabaalaha ka so baxay oo jinni wasakh leh qaba.
[3] Isagu xabaalaha ayuu dhex fadhiyi jiray, oo ninna xataa silsilad kuma xidhi kari jirin.
[4] Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay.
[5] Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.
[6] laakiin goortuu Ciise meel fog ka arkay, ayuu ku soo orday oo u sujuuday.
[7] Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka llaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.
[8] Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.
[9] Markaasuu weydiiyey, Magacaa? Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa lay yidhaahdaa, Liijon, waayo, annagu waa badan nahay.
[10] Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.
[11] Buurta sin teedana waxaa joogay daaqsin weyn oo doofaarro ah oo daaqaysa.
[12] Jinniyadii oo dhan baa baryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Noo dir doofaarrada inaannu galno.
[13] Kolkiiba Ciise baa u fasaxay. Markaasaa jinniyadii wasakhda lahayd baxeen. oo waxay galeen doofaarrada, daaqsintiina jarka hoos bay uga yacday ilaa badda, baddayna ku bakhtiyeen, waxayna ahaayeen abbaaraha laba kun.
[14] Markaasaa kuwii daajin jiray carareen, oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay.
[15] Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen.
[16] Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.
[17] Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.
[18] Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco.
[19] Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.
[20] Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.
[21] Markii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay.
[22] Waxaa u yimid taliyayaasha sunagogga midkood ee Yayros la odhan jiray, oo markuu arkay, cagihiisa ayuu isku riday,
[23] Oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.
[24] Markaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhyeen.
[25] Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.
[26] Silec badanna ayay dhakhtarro badan ka heshay, oo wixii ay lahayd oo dhanna ayay ku bixisay, mana roonaanin laakiinse way ka sii dartay.
[27] Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay.
[28] Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.
[29] Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay.
[30] Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay?
[31] Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay?
[32] Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.
[33] Naagtiise waa baqday oo gariirtay iyadoo garanaysa wixii loogu sameeyey. Markaasay timid oo hortiisa ku dhacday oo runtii oo dhan u sheegtay.
[34] Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.
[35] Goortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa?
[36] Mar alla markuu Ciise maqlay hadalka l eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.lagu hadlay, wuxuu taliyaha sunagogga ku yidhi, Ha baqin ee iska rumayso.
[37] Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyoYacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.
[38] Kolkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya.
[39] Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.
[40] Iyaguse aad bay ugu qosleen, laakiin goortuu kulligood dibadda u saaray, wuxuu waday gabadhii aabbeheed iyo hooyadeed iyo kuwii isaga la jiray, wuxuuna galay meeshii gabadhu jiiftay.
[41] Kolkaasuu gabadhii gacanteeda qabtay oo ku yidhi, Talita qumi, taasoo micneheedu yahay, Gabadhay, waxaan ku leeyahay, Kac.
[42] Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen.
[43] Aad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.