[1] Dhawr maalmood dabadeed goortuu haddana Kafarna'um galay, waxaa la maqlay inuu guriga joogo.
[2] Markaasaa waxaa is-urursaday dad badan, sidaa daraaddeed meel ay joogsadaan ayay ka waayeen xataa albaabka hortiisii, oo iyaga ayuu hadalkii kula hadlay.
[3] Kolkaasay u yimaadeen oo nin curyaan ah u keeneen, waxaana siday afar qof.
[4] Goortay u soo dhowaan kari w aayeen dadkii badnaa daraaddiis ayay saqafka dusha ka fureen meeshuu joogay. Goortii ay jebsheen. waxay ka soo dejiyeen sariirtii ninkii curyaanka ahaa ku jiifay.
[5] Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi. Wiilkow. dembiyadaadu waa cafiyan yihiin.
[6] laakiin halkaa waxaa joogay qaar culimada ah oo iska fadhiyey oo qalbiyadooda ka fikirayay, oo waxay isku yidhaahdeen,
[7] Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?
[8] Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan?
[9] Iyamaa hawl yar. in curyaanka lagu yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in lagu yidhaahdo, Kac oo sariirtaada qaado oo soco?
[10] laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi),
[11] Waxaan ku leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.
[12] Kolkiiba wuu kacay oo sariirtiisii qaatay; wuuna baxay dadkii oo dhan hortooda, sidaa darteed ayay la wada yaabeen. wayna ammaaneen Ilaah. oo waxay yidhaahdeen. Weligayo sidan oo kale ma aannu arag.
[13] Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.
[14] Goortuu ag marayay. wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay.
[15] Waxaa dhacay markii Ciise gurigiisa cunto u fadhiistay in kuwa badan oo cashuurqaadayaal iyo dembiilayaal ah Ciise iyo xertiisii la fadhiistay; waayo, way badnaayeen, wayna raaceen.
[16] Culimadii iyo Farrisiintii markay arkeen isagoo dembiilayaal iyo cashuurqaadayaal wax la cunaya, waxay xertiisii ku yidhaahdeen. Waa sidee? Wuxuu wax la cunaa oo la cabbaa cashuurqaadayaal iyo dembiilayaal.
[17] Ciise goortuu maqlay ayuu ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. Uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembiilayaasha u yeedho ayaan u imid.
[18] Xertii Yooxanaa iyo Farrisiintii ayaa soomi jiray. lsagay u yimaadeen oo waxay hu yidhaahdeen, Xertii Yooxanaa iyo xertii Farrisiintu mahay u soomaan oo ay xertaadu u soomi weydaa?
[19] Markaasaa Ciise ku yidhi. Dadka aroosku miyay soomi karaan intuu aroosku la joogo? In alla intii aroosku la joogo ma ay soomi karaan.
[20] laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan maalintaas.
[21] Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah. haddii kale tan cusub ee lagu buuxin lahaa ayaa ka goda kan duug ah. oo jeexdintu waa ka sii xumaataa.
[22] Khamri cusubna qarbeddo duug ah laguma shubo, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, khamriguna waa daadanayaa. qarbeddaduna waa hallaabayaan. Laakiin khamriga cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub.
[23] Waxaa dhacay inuu Sabtidii beeraha dhex marayay, oo xertiisii intay soconayeen ayay bilaabeen inay sabuullada jartaan.
[24] Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen. Bal eeg, maxay Sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn?
[25] Wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan weligiin akhriyin wixii Daa'uud sameeyey markuu wax u baahnaa oo uu gaajaysnaa, isaga iyo kuwii la jiray?
[26] Siduu guriga Ilaah u galay waagii wadaadkii sare ee Aabyaataar. oo uu u cunay kibistii tusniinta oo aan xalaal uu ahayn dad kale wadaaddada maahee, oo uu siiyey kuwii la jirayna.
[27] Markaasaa wuxuu ku yidhi iyaga, Sabtida waxaa loo sameeyey dadka aawadiis ee dadka looma samayn Sabtida aawadeed.
[28] Sidaa darteed Wiilka Aadanahu waa sayidka Sabtida.