[1] Goortii Sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.
[2] Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.
[3] Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?
[4] Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.
[5] Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen.
[6] Wuxuu ku yidhi, Ha nixina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasaret, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.
[7] laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.
[8] Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.
[9] Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray.
[10] Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.
[11] Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.
[12] Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya.
[13] Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan.
[14] Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysad darridooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.
[15] Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya.
[16] Kii rumaysta oo la baabtiisa waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.
[17] Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,
[18] abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.
[19] Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.
[20] Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayey iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.