Skip to content
Opens in a new window

[1] laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay uu dilaan.

[2] Waayo, waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabsho dadka uga dhex kicin.

[3] Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, intuu cuntada u fadhiyey, waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar naaradiin oo qaali ah ku jiro. Weelkii bay jebisay, oo cadarkii madaxiisay ku shubtay.

[4] Waxaa joogay kuwa qalbiga ka cadhooday, oo waxay isku yidhaahdeen, Cadarkii maxaa sidan loogu khasaariyey?

[5] Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii.

[6] laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

[7] Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo.

[8] Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed.

[9] Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxy waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doona.

[10] Yuudas Iskariyot oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacan geliyo.

[11] iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballan qaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacan geliyo.

[12] Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

[13] Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxa idinla kulmi doona nin aashuun biyah sita; isaga raaca.

[14] Meeshu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qalcaddaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

[15] Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halka inoogu diyaargareeya.

[16] Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

[17] Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

[18] Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa I gacan gelin doona.

[19] Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa?

[20] Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha

[21] Wiilka Aadanahu waa baxayaa siday u qorantahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacan gelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.

[22] Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakadeeyey, wuuna jejebiyey oo iyaga siiyey oo yidhi, Qaata, tanu waa jidhkaygiiye.

[23] Kolkaasu koobkii qaaday oo mahad naqay oo siiyey iyaga, oo kulli way ka wada cabbeen.

[24] Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay.

[25] Runtii waxaan idinku leeyahay, Mar dambe midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ila maalinta aan boqortooyada Ilaah ka cabbi doono kan cusub.

[26] Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur saytuun.

[27] Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan.

[28] laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

[29] laakiin Butros ayaa ku yidhi, In kastoo kulligood kaa xumaadaan, aniguse kaa xumaan maayo.

[30] Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maalintan, xataa caawa, intaan diiqu laba goor ciyin, saddex kol ayaad I dafiri doontaa.

[31] laakiin aad buu ugu celceliyey, Haddaan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Kulligoodba sidaas oo kale ayay yidhaahdeen.

[32] Markaasay yimaadeen meel Getsemane la odhan jiray, wuxuuna xertiisii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan soo tukanayo.

[33] Oo wuxuu watay Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiranyoodo.

[34] Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo soo jeeda.

[35] Wuxooga ayuu hore u socday oo dhulkuu ku dhacay, wuxuuna tukaday in hadday suurtowdo saacaddu ay dhaafto.

[36] wuxuuna yidhi, Aabbow, Aabbe, wax walbaba waad karaysaa. Koobkan iga qaad, laakiin yaanay noqon waxaan doonayo, ee waxaad doonaysid ha noqoto.

[37] Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari waayday inaad saad keliya soo jeedo?

[38] Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daran yahay.

[39] Mar kale ayuu tegey oo tukaday isagoo hadalkii oo kale ku hadlaya.

[40] Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen, ma ayna garan waxay ugu jawaabaan.

[41] Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembiilayaal loo gacan gelinayaa.

[42] Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacan gelin lahaa waa soo dhow yahay.

[43] Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimada iyo waayeellada.

[44] Kii gacan geliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra.

[45] Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday.

[46] Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen.

[47] Midkooda oo ag taagnaa ayaa seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadkii sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.

[48] Ciise ba u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad I qabataan sidaan tuug ahay?

[49] Maalin walbaba macbudka ayaan idinkula jiri jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan, laakiin Qorniinku waa inuu rumoobo.

[50] Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.

[51] Waxaa daba socday nin dhallinyaro ah oo qaawanaantiisa maro jilicsan ka huwaday; wayna qabteen.

[52] laakiin maradii jilicsanayd ayuu ka tegey oo ka cararay isagoo qaawan.

[53] Ciisena waxay u geeyeen wadaadkii sare, waxaana u soo ururay wadaaddadii sare iyo culimadii.

[54] Butros baa meel fog ka soo daba socday, oo wuxuu galay barxadda wadaadkii sare oo la fadhiistay askartii, dabkana ayuu kulaalay.

[55] Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati Ciise ka gees ah si ay u dilaan, waase heli waayeen.

[56] Waayo, qaar badan baa marag been ah ku fureen, laakiin maraggoodii isku mid ma ahayn.

[57] Markaasaa waxaa kacay qaar marag been ah ku furay oo yidhaahdeen,

[58] Waxaannu maqalnay isagoo leh, Macbudkan gacmo lagu sameeyey ayaan dudumin doona saddex maalmood dabadeed waxaan dhisi doonaa mid kale oo aan gacmo lagu samayn.

[59] laakiin sidaasuuna maraggoodii isku mid ma ahayn.

[60] Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weydiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

[61] Isaguse waa iska aamusay oo waxba uma jawaabin. Mar kale wadaadkii sare ayaa weydiiyey oo ku yidhi, Miyaad tahay Masiixa oo ah Wiilka kan la ammaano?

[62] Ciise ba yidhi, Waan ahay, oo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah, oo ku imanaya daruuraha cirka.

[63] Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeex-jeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay?

[64] Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.

[65] Qaa waxay bilaabeen inay candhuuf ku tufaan oo wejigiisa daboolaan oo garaacaan, waxayna ku yidhaahdeen, wax sheeg. Askartiina way dharbaaxeen.

[66] Butros intuu hoosta joogay xaggii barxadda, waxaa u timid mid ka mid ah hablihii wadaadkii sare u shaqaynayey,

[67] oo markay aragtay Butros oo dabka kulaalaya, ayay dayday oo tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Naasaret.

[68] laakiin wuu dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu ma aqaan garanba maayo waxaad leedahay. Markaasuu albaabka agtiisa tegey, diiqiina waa ciyey.

[69] Gabadhii baa aragtay oo bilowday haddana inay kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad

[70] tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda.

[71] laakiin wuxuu bilaabay inuu habaaro oo dhaarto isagoo leh, Anigu garan maayo ninkaas aad ka hadlaysaan.

[72] Kolkii labaad ayaa diiqii ciyey; oo Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu laba goor ciyin, saddex kol ayaad I dafiri doontaa, oo intuu ka fikirayay ayuu ooyay.

Markos — Chapters