Skip to content
Opens in a new window

[1] Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

[2] Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.

[3] Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

[4] Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa.

[5] Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo, Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.

[6] Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,

[7] Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.

[8] War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

[9] Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?

[10] Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.

[11] Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.

[12] Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.

[13] Dhammaantood ciidda ku qari, Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.

[14] Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.

[15] Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.

[16] Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda, Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.

[17] Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale, Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.

[18] Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah; Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.

[19] Iyadu jidadka Ilaah waa u madax, Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.

[20] Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.

[21] Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan, Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.

[22] Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya, Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.

[23] Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto, In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.

[24] Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda? Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?

Kitaabkii Ayuub — Chapters