Skip to content
Opens in a new window

[1] Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,

[2] Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.

[3] Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa, Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.

[4] Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha; Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.

[5] Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado, Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.

[6] Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.

[7] Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.

[8] Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

[9] Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda, Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.

[10] Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.

[11] Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.

[12] Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan, Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.

[13] Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho, Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.

[14] Dhallinyaranimay ku dhintaan, Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.

[15] Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.

[16] Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.

[17] Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

[18] Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

[19] Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?

[20] Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.

[21] Iska jir oo xumaan ha u jeedin, Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.

[22] Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?

[23] Jidkiisa yaa u amray? Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?

[24] Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.

[25] Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

[26] Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.

[27] Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,

[28] Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.

[29] Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?

[30] Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.

[31] Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.

[32] Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.

[33] Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.

Kitaabkii Ayuub — Chapters