Skip to content
Opens in a new window

[1] Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

[2] War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn, Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?

[3] Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn, Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?

[4] Cabsida waad baabbi'isaa, Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.

[5] Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada, Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.

[6] Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha; Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.

[7] War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay? Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?

[8] War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay? Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?

[9] War maxaad og tahay, oo aannan annagu ogayn? Oo bal maxaad garanaysaa, oo aannan garanayn?

[10] Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn, Oo aabbahaa ka sii fil weyn.

[11] Ma kugu yar yihiin qalbiqabowjiska Ilaah Iyo erayga sida qabow kuula macaamiloodaa?

[12] Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa? Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?

[13] Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

[14] Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado? Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?

[15] Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah, Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha.

[16] Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!

[17] Bal i maqal, wax baan ku tusayaa, Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;

[18] (Kuwaasoo rag xigmad lahu ay awowayaashood ka heleen, Oo ayan qarin,

[19] Kuwaasoo dalka keligood la siiyey, Oo uusan shisheeye innaba dhex mari jirin.)

[20] Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan, Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.

[21] Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.

[22] Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono, Iyo inay seeftu isaga sugayso.

[23] Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday? Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.

[24] Waxaa isaga bajiya dhib iyo cidhiidhi, Oo isagay uga adkaadaan sida boqor dagaal isu diyaariyey,

[25] Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay, Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.

[26] Wuxuu kula ordaa madax adag Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.

[27] Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay, Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,

[28] Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

[29] Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.

[30] Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo, Oo laamihiisa olol baa qallajin doona, Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.

[31] Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya, Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.

[32] Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa, Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.

[33] Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.

[34] Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin, Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.

[35] Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan, Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.

Kitaabkii Ayuub — Chapters