[1] Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
[2] Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
[3] Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
[4] Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal, Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
[5] Iyaga dadka waa laga dhex eryaa, Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
[6] Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
[7] Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda, Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
[8] Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood, Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
[9] Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay.
[10] Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
[11] Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
[12] Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
[13] Jidadkayga way halleeyaan, Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda; Oo mid caawiyaana ma jiro.
[14] Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
[15] Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn, Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale. Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
[16] Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
[17] Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
[18] Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
[19] Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
[20] Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
[21] Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
[22] Kor baad iigu qaaddaa dabaysha, Oo waxaad i fuushisaa dusheeda, Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
[23] Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
[24] Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?
[25] Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
[26] Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta, Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
[27] Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
[28] Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa, Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
[29] Waxaan noqday walaalka dawacooyinka, Iyo saaxiibka gorayada.
[30] Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa, Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
[31] Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.